X

Maxaa ka soo baxay shirkii dawlada iyo maamul goboleedyada ee Baydhabo

Maxaa ka soo baxay shirkii madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada ee ka dhacay Baydhabo xilli argagixisada kordhisay xaauuqa duhurka cad ay ka gaysato Muqdisho iyo gobolada.

Shirkan oo waqti lumis lagu tilmaamay ayaa u badnaa is beer xaarasho qolyaha maamul goboleedyada iyo dawlada isku tiirsan ee Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.




Argagixisada ayaa kordhisay weerarada tooska ah ee ka fuliso Muqdisho iyo gobolada Shabeelaha ayadoo la tilmamayo in ay heshay siro badan oo ku saabsan halka masuuliyiintu joogaan.

Hadaba shirkan ayaa ahaa laba qof ka soo baxay oo kala ahaa Aminga iyo siyaasada.

Amniga

1.1. Madax-bannaanida: Golaha Amniga Qaranku wuxuu adkeynayaa in midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.



1.2. Ka hortagga khataraha: Golaha Amniga Qaranka markii uu dhegeystay khataraha amni ee ay argagixisadu ka geysanayaan dalka waxa uu adkeynayaa in la dardargeliyo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, labada heer, lana siiyo tababarro iyo xirfado la xiriira qaababka looga hortagi karo falalka argagixisada.
1.3. Qorshaha Kala-guurka: Golaha Amniga Qaranka wuxuu ansixyey qorshaha kala-guurka (Transition plan), kaasoo loo arkay inuu yahay qorshe horseedaya in Soomaalidu hanato, kuna filnaato amnigeeda, iyada oo la raacayo tallaabooyinka soo socda;
1.3.1. In si wadajir ah looga mira dhaliyo fulinta wejiga koowaad ee qorshaha kala guurka oo dhigaya qaabka lagu hawlgalinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Booliiska ee labada heer oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu.



1.3.2. In ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay qeyb noqonayaan hawlgallada qorsheysan ee lagu furayo waddada muhiimka ah (MSR) ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hawlgalkan waxaa doorka hoggaamineed qaadanaya Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed, waxayna ciidamada ka amar qaadanayaan Taliska Ciidamada Xoogga Dalka inta hawlgalkaas lagu jiro.
1.3.3. In Guddiga Qaran ee Isku-dhafka Ciidamada la yimaadaan muddo soddon (30) maalmood guduhood ah qorshe hawleedkooda.
1.3.4. In qorshaha kala guurku uu noqdo mid dhammeystiran oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta, soo kabashada dhaqaalaha, sarreynta sharciga iyo caddaaladda.
1.4. Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga: Goluhu waxa uu ansixiyay in muddo soddon (30) maalmood gudahood ah lagu hawlgeliyo Xafiisyada Aminga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si loo dardargeliyo in Golaha Amniga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ay noqdaan kuwo waajibaadkooda shaqo gutaan.
1.5. Goluhu wuxuu isku raacay in muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah guddiga farsamadu ay ku fuliyaan Qodobka 1.2 ee go’aankii 6-10ka bishii Febraayo 2018, kasoo qeexaya “Dawladda Federaalku waxay ka caawineysaa ciidamada Booliiska Dawlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Daraawiishtu (hub, saanad, agab ciidan, raashin, daawo, gunno, tababar iyo tayeyn) ee kala qeyb qaadan doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.”Goluhu wuxuu ku boorrinayaa ummada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la-dagaalanka argagixisada.
1.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga Fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kala guurka.
1.7. Goluhu wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada wax ku oolka ah ee laga wado CXDS oo ay kamid yihin sida qaab-dhismeedka ciidanka, mideynta tababarka iyo hagaajinta anshaxa iyo adaabta ciidanka iyo sidookale qaabaynta hannaanka dallacsiinta saraakiisha iyo saraakiil xigeennada oo la waafajiyey sharciga dallacsiinta.
1.8. Goluhu wuxuu farayaa Guddiga Dib-u-habeynta Booliiska Federaalka ee hoos yimaada Wasaaradda Amniga Gudaha in ay kusoo dhameystiraan qaabka dib-u-habeynta Booliiska Federaalka muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah.
1.9. Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda.

Arrimaha Siyaasadda

Goluhu waxaa kale oo uu falanqeeyay qodobada soo socda:
¢ Habka Doorasho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2020-ka.
¢ Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka iyo Macdanta).
2.1. Goluhu wuxuu bogaadinayaa waxqabadka Guddiga Wada-xaajoodka iyo Wasaaradaha ka shaqeeya Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay.
2.2. Goluhu wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay hawlaha la xiriira dib-ula-falgelidda hay’adaha dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan wada shaqeynta ay Xukuumaddu la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) oo uu Goluhu dhiirrigelinayo in lasii adkeeyo wada shaqeyntaas, si wadajir ahna loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana joogteeyo nidaamka isla-xisaabtanka.
2.3. Goluhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka, sida canshuurta Furdooyinka, macaashka shaqaalaha iyo faa’iidadda ganacsiga.
2.4. Goluhu wuxuu ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun, 2018.



2.5. Goluhu wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey wadatashiyada caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka, iyo daraasaadka Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha. Wuxuuna Goluhu faray in Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinku soo dhammaystiraan kala xulashada nidaamka diiwaan galinta.
2.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka la sii dardar-galiyo, laguna soo gabagabeeyo sannadka 2018-ka, ayada oo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin.

.7. Goluhu wuxuu heshiis ka gaaray Lahaanshaha, Maamulka, iyo Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida ku cad heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu saxiixay Magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun 2018.



2.8. Goluhu wuxuu faray Guddiga Farsamada (TC) ee Golaha Amniga Qaranka in ay soo gudbiyaan Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta shirka xiga ee la qabanayo bisha Agoosto iyadoo laga amba qaadayo go’aamadii shirkii Wasaaradaha Cadaaladda ee ka dhacay magaalada Jowhar bisha Jannaayo 2018.
2.9. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la hawlgaliyo xubnihii ay dawlad gobaleedyadu u soo magacaabeen guddiyada dib uu eegista dastuurka.
2.10. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardar geliyo wadaxaajoodka arrimaha federaalka si loo dhamaystiro hannaanka awood qaybsiga ee ku qeexan Qodobada 53-54 ee Dastuurka.
2.11. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa hindisaha lagu abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Goluhu wuxu si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Xildhibaannadii iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarradii xaqdarrada ahaa ee ka dhacay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.