X

Maxaa ka soo baxay shirkii u dhexeeyay dawlada dhexe iyo maamul goboleedyada

Maxaa ka soo baxay shirkii baryahanba uga socdey Muqdisho dawlada dhexe iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada. Shirkan oo waqtigiisii ka soo daahay ayaa dad badan u arken waqti lumis lana mida kuwii Xasan Sheekh la geli jirey maamul jufeedyada.



Qodobada wargelin laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in maamul jufeedyadu fiiriyaan dastuurka intii aan la horgeyn barlamaanka Somaliya taas oo ka dhigin in maamul jufeedyada qaar ka baqayaan in federaalka meesha laga saaro.

Waxay u muuqataa jugjug meeshaada jog. Waxa dhinaca kale lagu hambalyeeyay maamulka Somaliland habsami u socodka doorashada looguna baaqay in si nabadgelyo ku dhameeyaan.



Dadka indha indheeya siyaasada Somalida ayaa qaba in shirkan waxa ka soo baxay iyo mudada la fadhiyay ayna islahayn oo waqti badan lagu qaatey arimo ayna awood u lahayn inay wax ka bedelaan.

Waxase guusha ugu weryn shirkan iska leh maamulada jecel federaalka oo kaalmo ka helaya cadowga ummada Somaliyeed rabayna inay Farmaajo ka hubiyaan warqad saxiixa oo hadhow ku qabsadaan.



Hoos ka akhriso qodobada

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.