X

Maxaa keenay in Itoobiya ka cudur daarato safarkii Xasan Culusow

Xasan Culusow (beenlow) ayaa safaro ay ku baxeen in ka badan hal milyan oo doolarka Maraykanka ku kala tagey dalalka Imaaraadka, Turkiga, Kiiniya, iyo Jabuuti. Waa lacag ku haboonayd in lagu bixiyo abaaraha lagu yiri qof u magacow.


Waxa maanta soo baxay in Itoobiya u sheegtay Xasan Culusow in jadwalku ka buuxo oo ayna qaabili karin xilligan waqtigana la bedelo, taas oo Xasan beenlow ku qancay.

Haddaba waxa soo baxaya labo arimood oo keentay in Itoobiya ka niyadjabto Xasan beenlow sida ummada Somaliyeed uga niyad jabeen markii la arkey shaqsi hore loogu khasaaray in dib loo soo saaray. Hawsha badankeeda waxa lahaa kooxda Xalane.


Haddaba waxa taas ka dambeeyay in XasanCulusow faraha la galay sheekada u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya iyo weliba iyadoo lagu haysto inuu Kiiniya isku dhiibey. Kiiniya ayaa u sheegtay Xasan Culusow inuu si degdega u dalbado in ciidanka Itoobiya laga saaro nabad ilaalinta gobolada Koofureed taas oo Itoobiya aad u xanaaqday.


Xasan Culusow ayaa si toosa ula jirey Tigreegii haweenka ku kufsaday Muqdisho iyo gobolada Koofurta ee xasuuqay kumanaan Somali ah waana arinta kale ee keentay in Itoobiya niyad u hayn wayso imaatinkiisa.


Mida kale ee dadku is sheegayaan ayaa ah in Xasan beenlow oo dawladnimada ka aradan uuna madaxda Itoobiya kala shirin xilliga munaasabka ah ee uu booqan karo. ā€¯Xasan Culusow shaqsiyaad reerkiisa ayaa ka agdhow oo dawladnimada ka aradan waana mid keeni karta inay xitaa intaas ka adkaan waayaan ayuu yiri Xuseen Warsame.



Si kastaba ha ahaatee waa foolxumo iyo fadeexad uu Xasan Culusow ka masuul yahay in wadan aanu hubin inuu diyaar yahay iyo in kale uu isku maqiiqo ayuu qabaa Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.