X

Maxaa ku soo kordhey diyaaradii Masar ee wali aan la helin raqdeeda maalintii labaad

Waxa soo baxayay xalay warar is burinaya oo qaarkood ka soo baxeen Masar oo sheegaya in diyaaradii Masar oo hadda la xaqiijiyay in ay dhacday la helay raqdeedii waxase hadda beenoobay wararkaas waxana lagu jiraa helida RAQDA diyaarada.

Giriiga ayaa sheegay in diyaaradu ku dhacday jasiirad dalkooda ka tirsan laakiin ka baxsan hawadooda raacsana ilaa 10 mayl hawada dalkaasi Masar.

Waxa ilaa hadda la ogyahay in diyaaradu dhacday lamase oga halka badda ay kaga dhacday taas oo hadda u muuqata in ay maalmo kale qaadanayso in la helo RAQDEEDA, taasinaay ka dhigayso haddii dad ka badbaadi lahaa in ay adkaato sida ay badda ugu noolaan karaan maalmaha sii kordhaya inkastoo mucjisooyinka RABI ayna meesha ka maqneyn.

Diyaaradan ayaa ka soo duushey madaarka weyn ee Charlie de guelle ee dalkaasi Faransiiska, waxana hadda diiradu saaran tahay suuragalnimada ah in argagixiso ku lug leedahay dhicida diyaaradan lagu ogaa in waxkasta caadi ahaayeen.

Afar wadan ayaa ka qaybqaadanaya baaritaanka diyaaradan oo kala ah Giriiga, Masar, Faransiiska iyo Markab Ingiriisku leeyahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.