Wararkii ugu danbeeyay xasuuqii argagixisada xalaashatey dhiigeena, maalkeena iyo kan aduunkaba ee kasoo baxaaya Weeraradii Caawa ka dhacay Hoteel SYL iyo Beerta Nabada ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaaro aad u badan.
Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo dad shacab ah, kuwaasi oo kuwada sugnaa goobta weerarka lagu qaaday.
Inta la ogyahay labada weerar ayaa waxaa ku dhintay 13 ruux oo u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 26 ruux oo ay ku jiraan Ciidamo iyo dad shacab ah oo wadadaasi maraayay xiliga ismiidaaminta ay dhaceysay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS