X

Maxaa lagu macneeyay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo cawaysinka soo dulmaray Boorama

Sidii ay u dhaceen dagaalo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kacdoonka reer Adal isla gobolka Awdal  halkaas oo ciidanka Somaliland ay gudaha Itoobiya ku soo dhaawaceen dad Itoobiyaan ayaa tiraba laba habeen waxa Boorama laga maqlaa guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca. Hadaba waxaan idiin soo koobeynaa waxa ay dadweynaha ku tilmaameen waxa sababay diyaaradahan guuxooda laga maqlo Boorama.

Waa ta koowaade dad qaar ayaa qaba in diyaaradahan ay yihiin kuwa la dagaalamaya argagixisada oo laga baqayo in ay gobolka uga yimaadaan dhinaca gobolada jaarka sida Hargeysa.

Dad qaar ayaa qaba in ay ka yimaadeen dhinaca ismaamulka Somalida Itoobiya oo raba in ay xaqiijiyaan amaanka dadkooda iyo xadkooda oo ciidamada Somaliland dhowr mar gudaha u galeen.

Halka kuwa kalana qabaan in ay yihiin diyaarado ciidamo shisheeye leeyihiin oo baacsanaya rag dambiyo soo galay oo laga baqayo in ay ku dhuuntaan gobolka Awdal.

Isku soo duuboo dadweynaha magaalada Boorama ayaa qaarkood sheegaya in ay diyaaradahan cabsi ku hayaan halka qaar kalana ay leeyihiin ma jirto wax laga baqo mana ah diyaarado u yimi in ay weerar ka gaystaan Boorama.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.