Madaxweynaha Turkiga ayaa hadda ku hoyday gurigiisa madaxtooyada ee Istambul. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladu caadi ku soo noqonayso iyo tukaamada oo dib u furmaya.
Istambul ayaa saakadii hore ahayd meel cidla ah iyadoo dadka badankiisu go’aansadey in ay guryaha ku jiraan. Waxa intooda badan is dhiibey askartii ka qayb qaadatey afgambiga.
Waxa dib u hadlaya idaacadaha maqalka iyo muuqaalka ee dalka, waxa Iyana si xawliga u shaqaynaya internet-ka iyo baraha bulshadu isticmaasho oo saacado la sheegay in ay hawada ka maqnaayeen.
Taliyihii ciidamada Akas ayaa hadda lagu soo waramayaa in laga soo badbaadiyay ragii afgambiga wadey waxana dawladu magacowdey nin ku meel gaadha.
Akhwaan Erdogan ayaa u muuqda in uu fashiliyay askartii gadoodsanayd ee rabtey in ay xukunka daaqada ka soo galaan. Waxa dib loo adkeeyay xuduudaha Turkiga iyadoo laga baqayo in argagixisada ka faaiideysato fowdada jirta.
Suaasha dad badan is waydiinayaan ayaa ah yaa ka dambeeyay isku daygan lagu afgambiyayo dawlada akhwaan Erdogan oo saaxiibada uu lahaa sii yaraadeen inkastoo hadda uu soo celiyay wadamo muhiima sida Ruushka.
Yaa watey afgambigan
Erdogan ayaa isagu ku eedeeyay urur diimeed ka soo horjeeda mabaadiida ururka akhwaan Muslimiinta ee Erdogan ku abtirsado oo lagu magacaabo Gulen.
Ururka Gulen ayaa beeniyay in ay wax shaqo ah ku leeyihiin kacdoonkii fashilmey..waxana imanaysa yaa kale, waxana farta lagu godey koox iyagu diidan in laga leexdo wadadii uu jeexay Mustafe Ataturk oo taageero saxaafadeed iyo mid kalaba ka haysata reer galbeedka.
Waxay dhowr jeer oo hore isku dayeen in ay banaanbaxyo xukunka ku boobaan waase ku fashilmeen, hadana waxay isku dayeen in ay daaqada ka soo galaan xukunka dalka.
Isku soo duuboo cadowyada akhwaan Erdogan ayaa yeesha wajiyo cusub waxayna inta badan la xiriirtaa diidmo ay diidan yihiin ururka diimeedka Erdogan ka tirsan yahay ee akhwaanka.
Erdogan ayaa hore ugu fashilmey in uu abuuro dawlado akhwaana oo ka dhisan Turkiga, Siiriya, Falastiin (Xamaas) iyo Masar, waxayna ku dhamaatey guuldaro markii uu Siiriya uu burburin kari waayay, xukunkana ka tuuri kari waayay madaxweyne Asad, halkaana ay ku burburtey urur weynaha akhwaanka ama dawladaha akhwaanka.
Erdogan ayaa hadda heshiis la wada madaxweyne Asad maadaama arimuhu ku xumaadeen waxayna taasi socotey afgambigan kahor.
Hadase waxay u muuqataa in uu guulaystey. Burbur ku yimaada Turki wuxuu keeni karaa burbur ku yimaada wadan Muslim ah oo aad u muhiima oo waxtari kara Muslimiin badan.
Fashilka afgambiga ayaa Turkiga ka badbaadiyay in ay qaadaan talaabo aan la garanayn halka ay ku dhamaan doonto. Wadamada badankooduna wa y soo dhaweeyeen.
Waxase burburey jacaylkii ka dhexeeyay ciidanka Turkiga oo adag iyo dadkiisa markii kuwii afgambiga wadey rasaas huwiyeen.
Warbixintii Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS