X

Maxaa u dambeeyay shirka dhamaystirka doorashada

Waxa magaalada Muqdisho jooga maamul goboleedyada oo shir uga furmi doono loogu magac daray dhamaystirka doorashada. Siyaasi Cali Calasow ayaa qaba in labada maamul jufeed ee ka maqna shirkii hore ay Xamar u joogaan arimo aan la xiriirin doorashada.


”Sidii ay Xamar u yimaadeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni waxay madaxweynaha hor dhigeen arimo iyaga u gaara tusaale Axmed Madoobe ayaa codsaday in Gedo lagu soo celiyo gacantiisa.

Haddaba dawladu Axmed Madoobe maku soo celin doonaa gacantiisa gobolkla Gedo kadib wixii dhacay ilaa uu balan qaado inuu wareejiyo xukunka Kismaayo ama gobolka loo dhiso aamul loo wada dhan yahay. ”Uma malaynaayo in taasi dhacayso ayuu qabaa Cali Calasow ilaa isbedel guud la isla wada qaato.


Dhinaca kale Siciid Deni ayaan haba yaraatee la iman wax uu ku darsado doorashada aan ka ahayn inuu raali geliyo safiirka Maraykanka oo Imaaraadku amrey inuu soo raaligeliyo.

Waxa maanta loo sameeyay qado sharaf ay dadka badankoodu qabaan in qado taas la mida lala dadka madaxtooyada hoostooda ku dayacin (sawirka hoose).



Maamuladii iyagu horey mudada u fadhiyay Samareeb ayaa mowqif mideysan ka qaatey arinta Muqdisho loo fadhiyo, sheegayna in wax cad ay sugayaan ilaa haddase uuna jirin.

”Doorashadan dastuurka gaaladu qortey uu dhigeyo in adfartii sanaba mar la qabto waxa dalka u horseeday in aan wax shaqo ahba la qaban ayuu yiri Xuseen Warsame.

Si kastaba ha ahaatee lama filayo in wax cusub ka soo baxeen shirkan furmaya, waxa hadalka ugu dambeeyana iska leh barlamaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.