X

Maxaa u dambeeyay xaalada magaalada Jigjiga iyo ismaamulka Somalida

Maxaa u dambeeyay xaalada magaalada Jigjiga iyo ismaamulka Somalida kadib markii shalay ciidamo uu soo Abiy uu Khalkhal geliyay magaalada. Masuuliyinta Itoobiya ayaa sheegay inuu burburayo amarka iyo kala dambeynta.


Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in welli kacsanaan ka jirto magaalada gaar ahaan taageereyaasha Cabndi Maxamuud Cumar halka mucaaradka ka soo horjeeda ay leyihiin wuu lumiyay taladii maamulka.

Welli ma cadda in khilaafkan siyaasadeed la dhameeyay iyo wejiga uu ku dhamaanayo. Waxa dhinaca kale jirey rabshado aan badneyd oo ka dhacay Qabridahare iyo magaalooyin kale.


Ciidankii shalay soo galay magaalada ayaa loo shegay inay xeryahooda ku noqdaan waxay ku amranaayeen inayna rasaas ridin inkastoo dhimashada laba qof la xaqiijay.

Madaxweynaha maamulka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa siduu shalay u hadley aan saaka lagu arag goobaha fagaaraha ah. Si kastaba ha ahaatee waxa dadku sugayaan waxa xiga doona.


Mucaaradka aya raba in la bedelo Cabdi Maxamuud Cumar waana kuwa dabada ka riixaya Abiy Axmed ayagoo leh isbedelkaagu ha saameeyo isaga. Waxase qaldan wadada loo maray oo keentay isku dhac.

Dhinaca Diridhaba ayaa Iyana laga soo sheegayaa isku dhayo dhexmaray dhalinyaro Somali iyo qoomiyadaha kale taas oo dadku ka deyriyeen ayadoo aan loo bahnyn in la coleysto dadka kale.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.