X

Maxaabiis kale oo laga xoreeyay maamulka Siilaanyo magaalada Laascaanood una soo galay dhinaca Khaatumo

Xalay ayaa markale waxaa jeelka wayn ee magaalada Laascaanood jabsaday maxaabiis ku xidhnayd oo ka baxsaday gudaha jeelkaasi, kuwaasi oo dib u helay xoriyadoodii kadib markii ay jabiyeen gidaarka qolka ay jeelkaasi kaga xidhnaayeen. Tirada maxaabiista caawa baxsaday ayaa lagu sheegay sadex maxbuus oo mudooyin ugu xidhnaa maleeshiyaadka SNM, oo dhibaatooyin xoog leh ay ka haystaan gacan ku haynta jeelka wayn ee Laascaanood.

Maleeshiyaadka Siilaanyo ayaa dhacdadii 22kii bishan September oo ay tiro maxaabiis ah oo gaadhaya 22 maxbuus ay jeelka ka baxsadeen waxay ka dhex abuurtay khilaaf baahsan oo ugu dambayn sababay in maleeshiyaadka Siilaanyo nin cusub oo galbeedka Burco u dhashay loosoo magacaabo jeelka iyo maleeshiyaad la hayb ah oo uu wato.

Falkan ay xalay maxaabiistu kaga baxsadeen jeelka wayn ee magaalada Laascaanood ayay maleeshiyaadka Siilaanyo kusoo eedeeyeen mid kamida ilaalada jeelkaasi oo kamid ah labo nin oo maleeshiyaadka deegaanka kagasii hadhay ilaalada jeelka wayn, oo ay sheegeen inuu ku lug lahaa baxsashada maxaabiistan.

Maxaabiistan ayaa shacabka laascaanood ay sheegeen inay qaarkood saakaba ku arkayeen gudaha magaalada Laascaanood iyagoo si nabadgelyo ah u maraya, iyadoo ay horena magaalada ugu sugnaayeen tiro kamid ah maxaabiistii hore ugasoo baxsaday jeelka wayn ee Laascaanood oo aysan jirin maxbuus ay dib usoo qabteen maleeshiyaadkaasi

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.