Maxaan ka ognahay xaalada dhaawacii la geeyay isbitaalada Muqdisho iyo kuwii lagu xasuuqay suuq ku yaalay xaafada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina Duniya Cali Maxamed oo la hadashay Warbaahianta ayaa sheegtay in Isbitaal Madiina la geeyay 47 qof oo saddex ay dhinteen, halka 44 kale 32 ka mid ah la seexiyay Isbitaalka, iyadoo 12 kalena dib loogu celiyay guryahooda, kadib daryeel loo fidiyay.
Waxa ay sheegtay dhaawacyada qaraxii shalay inaysan aheyn kuwa culus marka loo eego qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho ee waxyeelada daran ka soo gaari jirtay dadka rayidka ah.
“Dhaawacyada kuwo aad u sii daran ma aysan ahayn, laakiin way soo bixi karaan, bukaanno u baahnaan lahaa in arrintooda si kale loo xalliyo, waxa uuna yiri madaxweynuhu dib hala iiga soo sheego wixii soo kordha sidii wax looga wadaqaban lahaa”.
“Madaxweynaha aad ayuu uga tiiraanyooday wixii dadka soo gaaray, waxayna ahayd waxaysan filaneyn xilligaas inuu Madaxweynahoodu soo booqdo, waxa uu u ballan aaday inuu la garab taagnaan doono waxyaabaha baahidooda ah ee caafimaadkooda la xiriira, waxa uu sheegay inuu Isbitaal ahaanna uu naga garabsiin doono wax alaaliyo wixii baahidiisa ah ee loo baahdo, markii sidan oo kale ay wax u dhacaan waxaa imaanaya culeysyo fara badan oo isbitaalka saameyn ku yeelanaya.” Ayeey hadalkeeda sii raacisay Duniya Cali Maxamed.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS