Diyaarad ay leedahaya Shirkada Duulimaadka Ee Daalo Airline oo ka duushay Muqdisho kuna socotay Dalka Jibouti ayaa dib ugu soo laabatay garoonka Muqdisho daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonkaas.
warar soo baxayey ayaa sheegaya in la maqlay wax u ekaa qarax durbadina diyaarada ay ku soo laabatay garoonkii ay markii hore kaduushe.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in ay cilad farsamo ay diyaaradda ku timid oo baaritaan uu ku socdo.
Laba qof ayaa ku dhaawacantay diyaarada iyadoo warar kalana ay shegayaan in dhaawaca uu gaarayo ilaa 7 ruux hasa ahaatee Si dhab ah Looma oga inta qof ee saarnayd diyaarada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS