X

Maxaan ka ognahay sadexda qof ee RABI ducadooda aqbalo

RABIGEENA subxaanu wa tacaalaa waa ka aqbalaa ducada adoomihiisa, waxase jira sadex qof oo RABI ducadooda aqbalo xaalada ay ku jiraan awgood. Xadiis saxiixa waxa laga soo wariyay rasuulkeena CSW inuu yiri sadex ducadooda waa la aqbalaa.



1-Qofka Sooman ilaa uu jabiyo soonkiisa 2-Hogaamiye cadaalad ku maamula dadkiisa iyo 3-Qof la dulmayo. Sadexdaaba RABI ducadooda waa aqbalaa. Waxa xadiiskan soo wariyay Tirmidhi.


RABI ha inago dhigo bishan barakaysan kuwii ducadooda la aqbalo.

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.