X

Maxaan ka ognahay safarka madaxweynaha uu ku tagay dal Afrikaana

Madaxweynaha Somaliya ayaa shalay safar ugu kicitimay dalkaasi Koongo ama hore loogu yaqiinay Saiir. Dalkan ayaa ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo muddo hareeyay. Waxase hadda ay yihiin madaxa wareega ee ururka midowga Afrika oo aan cidiyo badan ku taagneyn.


Ururka Midowga Afrika ayaa waxa inta badan siyaasadiisa saamayn ku leh Maraykanka waana ta kharibtey in Afrika yeelato urur iyadu leedahay.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya ayadoo qoraal lagu darsaday uu ku jirey in midowga Afrika raacsanayn muddada barlamaanku u jideeyay doorashada dalka oo loo malaynayo 2 sanno.


”Ujeedada safarkiisa dheer ayaa ahayd in madaxa ururka midowga Afrika ee hadda uu la socodsiiyo xaalada Somaliya uuna uga digo in ururku ku dhex milmo siyaasada reer galbeedka ee ku wajahan in dalka la qaso ayuu yiri Cali Calasow.


Wararka aan helayno ayaa ah in madaxa ururka midowga Afrika ee hadda uu ogyahay sida xaalada tahay ayna ka amba qaadi doonaan hadda wixii ka dambeeya siyaasad ku qotonta farogelin la’aan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.