Allaha u naxariistee waxa saaka Borama ku geeriyoodey Maxamud Axmed Barre (Garaad) oo ka tirsanaa xukuumada Siilaanyo ahaana wasiirka shaqada laguna canaantey Siilaanyo in isagoo xanuusanaya hadana xilka laga qaado ayaa xanuun muddo hayay u geeriooday saaka.
Maxamud Axmed Barre (Garaad) ayaa muddo siyaasada ku soo jiray wuxuuna aad ugu dhawaa maamulka Siilaanyo ee hadda jira,. Garaad ayaa mudooyinkii dambe ku xanuusanayay Boorama.
Bahda Araabinews.com waxay tacsi u dirayaan ehelada iyo qaraabada uu ka baxay mudane Maxamud Axmed Barre (Garaad). Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.
ARAABINEWS.COM