X

Maxay kooxda madasha musharixiintu siyaasad u geliyaan ciidanka qaranka

Tan iyo burburkii dawladii dhexe ee dalka waxa jiray in Itoobiya iyo Kiiniya ay geliyaan awoodooda ugu saraysa sidii dalku dib aanu ugu helin ciidan tayo leh oo dhisma. Waxa iyaga weheliyay dawlada Ingiriiska oo u qaabilsanayd dhinaca qaramada midoobey.


Haddaba kooxda madasha musharixiinta ayaa shaqo ka dhigatey ciidanka qaranka ee gudaha dalka iyo kan lagu tababarayo dibedda inkastoo aan loo baahneyn ciidan lagu tababaro dibed.

Ujeedadu waxa weeyi in la jufeeyo ciidanka waayo hore waxay uga cowdeen ciidanka kamaandoosta ee Turkigu tababaray ee amniga kor u qaaday, haddana waxay joogtaa ciidankii dibedda loo qaaday ayuu yiri Cali Calasow.


”Waxa la yagleelayo waa ciidan qaran oo tayo maadaama hadda uu jiro ciidan jufeysan oo jooga degmooyinka iyo gobolada dalka ayuu raaciyay. Cidda loo cabanayo ayaa ah gaalada waxana la rabaa in la yiraa welli qabiil ayaa laysku haystaa markaa hala joojiyo ciidan qaran.

”Waa fariin is xiriirsan oo asalkeedu ay leedahay ajaanibta diidan in dalku xoogeysto taas oo kadib uu qaado wakiilka qaramada u jooga dalka ayna qaraar ka soo saarto Ingiriisku sidaa dalka loogu hayo cunaqabataynta ayuu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.