X

Maxay lagu lafogurey kulankii Farmaajo iyo Ismaciil Cumar Geelle: SAWIRO

Madaxweynaha Jabuuti ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Muqdisho halkaas oo wadooyinka loo xirey si dhiigmiiratada kooxda gaalaynta ayna uga faaiideysan una qalqal gelin amniga martida qaranka. Hadaba soo dhaweynta kadib maxaa soo kordhey.


Booqashada madaxweynaha ayaa imaanaysa xilli ay jireen xurgufo yar oo ay abuurtey markii Somaliya ku dhawaaqdey inay rabto in Eritariya laga qaado cunaqabataynta ayadoo aan la tashan Jabuuti.

Inkastoo taas la dhameeyay ayaa hadana loo baahdey in laga sii ambaqaado halkaas ayadoo la ogyahay in Somaliya marnaba ogolaanayn in dhul Somaliyeed lagu wareejo dalkale.


Waxa kale oo lagu lafogurey siyaasada geeska Afrika ee uu wado raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed iyo eryintii ay Kiiniya eriday safiirkii Somaliya. Labada dal ayaa isku meel ka taagan dhamaan arimaha geeska Afrika.

Waxa aad loi lafogurey xaalada Jabuuti ku xeeran iyo dagaalada Canfarta iyi Ciise ee Itoobiya, waxase lagu dheeraaday in cadowga Imaaraadka meel looga soi wada jeedsado.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.