Maxkamad dil ku xukuntey laba eedaysane oo ka gaystey dilal foolxun. Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Amniga dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.
Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xerada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.
Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) & Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor keenay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS