X

Maxkamad ku socota haweenay ay walaalo yihiin dhaxal suge Maxamed Salmaan

Waxa maxkamad uga furantey dalkaasi Faransiiska haweenay ay walaalo yihiin dhaxal suge gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan oo da’deeda lagu qiyaasay 45 jir. Xassa bin Salmaan ayaa ku eedaysan inay amartey in la garaaco nin shaqaale ah oo u shaqaynaayay.


Ninka dacweeyay ayaa sheegay in waardiyeheedu gacmahiisa gadaal u xirey kadibna amrey inuu lugaha ka dhunkado haweenaydaas oo uu sheegay inay ka carootey sawiro uu ka qaaday guri uu u naqashadeeyay.

Xassa bin Salmaan ayaa dalka aabaheed ka taliyo aad looga amaanaa ayadoo lagu sheego naag u dagaalanta xuquuqda dumarka isla markaana leh hay’ado caawineed.


”Dil eyga uma qalmo inuu noolaado ayay u sheegtay waardiyaheeda oo isaga laftiisa lagu soo oogay inuu qof xoriyada ka qaaday gacana u qaaday.

Qabasho ayaa u go’an haweenaydaas dalka Faransiiska haday ku soo noqotaba. Garyaqaankeeda ayaa sheegay in durba maxkamadu ogaatey kala hadalka ninkaas oo kayskan la laali doono.


Dulmiga ugu weyn ayaa ka jira aqalka ninka isku sheegay boqorka dalkaasi Sucuudiga ee Salmaan oo ay gacantiisa ku baxdey boqolaal reer Yamana, tana waxay la mid tahay kuwa soo shaac baxay.

Haweenaydn ayaa ka soo baxsatey Faransiiska lagamana yaabo in ay ku noqoto waxana dhici karta inay dacwadan ku bixiso bilyano si ninkaas loo aamusiiyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.