Maxkamad ku socota mid ka mida haweenka qoyska reer boqor ee Imaaraadka. Haweenay ay qabaan mid ka mida boqorada qoyska Alnahyaan ee Imaaraadka ayaa dacwad loo haystaa fadeexada.
Shaqaale u shaqeeya haweenaydaas ina boqor ayaa ka baxsaday huteel ay ku jireen dalkaasi Beljim oo lagu adoonsanayay. Shaqaalahan baxsadey ayaa sheegay in hambada la siin jirey loona diidey in ay baxaan ayagoo shaqayn jirey 24 saac.
Gumeysiga Carabta iibsatey Berbera ayaa laga baqayaa in uu kordho ayadoo ay dheertahay kufsiga ay kula kici doonaan haweenka.
Adoonsigan ayaa dhacay markii mid ka mida qoyska Alnahyaan uu iibsadey naadiga Manjister City ee dalkaasi Ingiriiska. Haweenaydan uu qabo ina boqor ayaa booqasho ku tagtey Beljimka ayadoo kaxaysatey shaqaale halkaana la sheegay in ay xataa cuntada u diidey.
Dacwadan ayay isku dayayaan in ay daboolaan ayagoo lacag isticmaalaya waxana la is waydiin karaa sida loo soo xiri karo haddii ay u cadaato.
Gumeysiga iyo adoonsiga ayaa hadda ku hadhay CARABTA khaliijka iyo Muriteeniya oo ah halkuu ka soo bilaabmey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS