X

Maxkamad ku taal Boorama oo abaalkiisa marisay nin gabadh yar kufsaday

Kadib kufsi iyo dil laga argagaxay oo ka dhacay gobolka laba bilood kahor ayaa maanta maxkamad ku taal degmadu ay dil toogasho ku xukuntey gacan ku dhiiglaha magaciisa lagu sheegay Cabdi Siciid Muuse.


Gacan ku dhiiglaha ayaa kufsaday kadibna si xun u diley gabadha yar oo lagu magacaabo Shukri Yuusuf Xuseen. Hooyada iyo qoyska ay ka dhalatey ayaa dalbadey in hore loogu dilo si ay u samraan.


Waxa gacan ku dhiiglaha loo ogolaadey inuu rafcaan qaato. Sharciga la isticmaalayo ayaa ah kan gaalada taas oo ka dhigeysa in dulmanuhu sugaan muddo dheer inay cadaalad helaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.