X

Maxkamad ku taal gobolka Wales ee Ingiriiska ayaa ku xukuntey 15 sano oo xariga Somali lagu helay daroogo

Maxkamad ku taal gobolka Wales ee dalka Ingiriiska ayaa 24 sano oo xadhiga ku xukuntey koox ay ku jiraan ilaa afar Somali ah oo ka shaqaysanayay maandooriyaha daroogada iyadoo isticmaalay huteel ka mida kuwa ugu caansan magaalada Swansea ee ku taal xeebta gobolka Wales ee Ingiriiska.

Ragan oo lagu kala magacaabo Aways Osman, Mahad Hassan, Hussain Sabriye iyo Mohammed Ahmed oo reer Londona ayaa dlagu kala xukumey sida soo socota Mahad Xasan iyo Maxamed Axmed waxa lagu dhejiyay 6 sano oo xariga AWays Cusmaan waxa loogu tuurey afar sano halka Xuseen Sabriye hoosta loo galiyay afar sano oo xariga isku dubna xarigoodu noqonayo 15 sano oo xariga.

Dhamaan afartan Somalida ayaa beeniyay dambiga balse lagu helay markii ay hor yimaadeen qaadiga. Somalidan oo lala xirey nin iyo naag saaxiibo ah ayaa sheegay in ay dalxiis u yimaadeen gobolka ee ayna ku lug lahayn maandooriyahan oo loo qaybinayay magaalada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.