X

Maxkamad Ku taal Ingiriiska oo liqsiisey isku geyn 47 sano dhalinyaro Somali ah

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku nool boqortooyada Ingiriiska ayaa xukunno kala duwan lagu xukumay kaddib markii lagu helay inay ka ganacsan jireen daroogooyinka.

Maxkamad ku taala magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa xukun 47 sano oo xabsi ah marka la isku geeyo ku riday dhallinyaro u badan Soomaali oo ku noolaa magaaladaasi.

Dhallinyaradan ayaa waxaa lagu helay ka ganacsiga mukhaadaraadka sharci daradda ka ah Ingiriiska ee loo yaqaano Cocaine, Heroin iyo Amphetamines.

Dhallinyarada ayaa waxaa madax u ahaa Maxamed Axmed oo ah 24 jir, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah.

Tirada dhallinyarada Soomaalida ayaa ah afar wiil oo Somali ah,waxaana la kala idhaahdaa Maxamuud Axmed waxaa lagu xukumay 12 sano oo xadhig ah,Liibaan Maxamed waxaa lagu xukumay 6 sano oo xadhig ah,Cabdiraxmaan Maxamuud waxaa lagu xukumay 7 sano oo xadhig ah iyo Daari Nuur Maxamed waxaa isna lagu 5 sano oo xadhig ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.