Maxkamad ku taal gobolka Banaadir ayaa nin Ingiriisa ku riday xukun ku haboon. Ninkan oo sidoo kalana haysta dhalashada Faransiiska ayaa isku dayay inuu khalkhal geliyo amniga garoonka Muqdisho si uu sumcadda uga dilo shirkadda Turkiga ee maamusha garoonka.
Ninkan ayaa u shaqeeya shirkadii hore ee maamuli jirtey garoonka Muqdisho ee SKA.
Maxkamada ayaa ku weyday laba eedaymo oo lagu soo eedeeyay. Ninkan ayaa lagu qabtey garoonka xilli uu isku dayay inuu mariyo waxyaabo mamnuuca iyo isticmaalka laba baasaboor.
Waxa lagu amrey inuu bixiyo $7000 oo doolarka Maraykanka oo ah khalkhal gelinta habsami u socodka amniga garoonka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS