Maxkamad xabsi daa’im ku xukuntey nin Somali ah oo dambiyo xun lagu helay. Cusmaan Mahamud, oo 22 jir ah, oo ka yimid Soomaaliya, ayaa lagu helay dambi ah tiro badan oo dil ah, afduub madax furasho iyo kufsi lagula kacay gabdho yaryar.
Maxkamad ku taal dalkaasi Talyaaniga gaar ahaan magaaladda Milan oo dhagaysatay muddo Shan saacadood ah dambiyadda loo haysto ninkaan Soomaaliga ayaa ugu dambeyn waxa ay ku xukuntay xukunkan xabsi Daa’in ah.
Cusmaan ayaa dambiyadan u gaystey tahriibayaal dhibaateysan asagoo ka faiideysatay xaalasda adag ee ay ku jireen. Waxa la xirey sanad kahor intii xabsiga lagu hayayna waxa maxkamada la geeyay mrkhaatiyo ku furey dambiga markii ay aqoonsadeen.
Dadka markhaatiga ku furey ayaa ahaa Somali.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS