X

Maxkamada ciidamada oo xukuntey rag dhac ka gaystey Muqdisho: SAWIRO

Maxkamada ciidamada ayaa xukuntey rag dhac ka gaystey Muqdisho. Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolol maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan sida Xeebta Liido, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neyso suuqa.


Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.


Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa  wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.