X

Maxkamada racfaanka oo war aan ka farxin siyaasi C/raxmaan C/shakuur soo saartey

Maxkamada racfaanka ayaa war aan ka farxin siyaasi C/raxmaan C/shakuur soo saartey. Maxkamad deg degsan ayaa diidey in dawladu qaadan karto racfaan taas oo hadda maxkamadu cadaysey.



Maxkamada aya sidoo kale sheegtay in xeer ilaalinta loo madaxbanaaneeyo baaritaanka dacwaa lo haysto ee soo kaxayntiisa ay ku dhinteen ilaa shan qof.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta loo madax banaaneysiiyo baarista Kiiska C/raxmaan C/Shakuur Warsame.



Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto, waxaana ay sheegtay in safar dhanka dibadda ah  uusan u bixi Karin.

Maxkamadda Racfaankaa ayaa ganaax lacageed waxa ay dul dhigtay Qareeno ka mid ah kuwa ka shaqeeya Gobolka Banaadir.



Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000.

Sadexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.