Maxkamadeynta siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa Muqdisho ka bilaabatey. C/raxmaan ayaa xalay loo sii daayay codsi ka yimi odayada dhaqanka beeshiisa iyo dawlada oo ixtiraamaysa xukunka maxkamada.
Dadka badankiisa ayaa qaba in maxkamada loo keenay si loo sharciyeeyo sii deyntiisa.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa 18-kii Bishan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya oo gurigiisa u tagey inay baaraan laakiin weerar lagala hor yimi.
Waxa dadka indha indheeya siyaasada sheegayaan in talaabada dawladu qaadey ay tahay mid loo baahnaa inkastoo ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo maray, ayna ka dhigan tahay inayna dawladu marti u noqon dad jaajuus u ah cadowga Somaliya.
Dhinaca kale hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa isna sheegay dadaal dheer kadib in lagu guuleystay sii deynta masuulkaan, wuxuuna sheegay inaysan jirin Shuruudo badan oo loo maray sii deyntiisa.
Wuxuu intaas raaciyay in wixii kale dib la iska warsan doono oo ay ka mid yihiin ciidankii weerarkaasi lagu laayay iyo qaabka loo qabtay Siyaasigan, balse hadda ay xoogga saareen kaliya sidii loo sii deyn lahaa masuulkan.
Golaha maamul goboleedyada isku camirey oo iyaguna mucaarad ah uuna hogaamiyo Cabdiwelli Gaas ayaa waraaq aan saxiixney si weecsan u soo dhaweeyay sii deyntiisa.
Xildhibaan ka mida dawlada Somaliya ayaa isna sheegay hadaan maska madaxa laga dilin dawladnimo ma dhalanayso.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS