X

Mayd loo malaynayo safiirka Giriiga oo la helay: SAWIRO

Ciidamada amaanka dalka Brazil ayaa goordhow shaaca ka qaaday inay heleen Meydka ruux ku dhex gubtay gaari oo loo badinaayo inuu yahay Safiirka dalka Giriiga u fadhiyey Brazil.

Saraakiisha Booliska Brazil ayaa sheegay in meydka uu yaha mid cusub, isla markaana ay u maleynayaan inuu yahay Safiirka Giriiga ee Brazil Kyriakos Amiridis oo Seddexdii maalin ee ugu danbeysay lagu la’aa nolol iyo geeri.

Safiirka Giriiga ayaa si rasmi ah xaaskiisu u sheegtay in uu maqan yahay maalintii Isniintii. Halka dhinaca kale wakiil u hadlay Safaarada Giriiga ee dalka Brazil uu xaqiijiyay in Safiirka ay la’ yihiin Seddexdii maalin ee ugu danbeysay.

Waxana uuna wakiilkaasi intaa raaciyay in goortii ugu danbeysay Safiirka uu booqasho ku aaday Xaafadda Nova Iguacu oo ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee magaalada Rio de Janeiro.

Muuqaalka gaariga gubtay oo laga baahiyay Telefishinka Globo, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Gaariga uu ku dhexgubtay Xaafada Nova Iguacu.

Sidoo kale, Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in safiirka Giriiga u fadhiyey Brazil Kyriakos Amiridis la waayey habeenkii isniinta, markii dad ugu war danbeysayna waxaa lagu sheegay inuu joogay xaafada Nova Iguacu.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.