Dagaalka uu Sucuudigu kula jiro dalka Yaman ayuu u adeegsaday Somali gaajoonaysa si ay ugu dagaalamaan dagaal diimeedka uu kula jiro Shiicada dalkaasi Yaman ee Sucuudigu diinta ka saaray. Maydka nin Somali ah ayaa la soo bandhigey iyadoo ay ka dambeyso gawaadhida gaashaaman ee Sucuudigu leeyahay kuwaas oo la soo geliyay Cadan.
Dagaalka Yaman ayaa u dhexeeya dadka shacabka Yaman oo hal dhinac u badan iyo Maraykanka, Yuhuuda iyo Sucuudiga oo iswata oo hal dhinaca ayna isku keentay Shiico nacayb,,iyadoo Maraykanku ka faaiideysanayo urur diimeedka Sucuudiga ee Salafi oo Shiicada neceb.
Laamaha amaanka ayaa magacyada Labadaasi ruux ku kala sheegay Axmed dhegadheere iyo Xasan Axmed Weyrax oo 36 jir ah kuwaasoo difaacayay magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Dawlada Yemen, ayaa dhawaan Muwaadiniinta Soomaalida ku eedeysay inay ka barbar dagaalamaan Xoogaga ka hoos shaqeeya Maleeshiyaadka Daacish, waxa ayna arrintaani muujineysaa xaqiiqda ka taagan dalka Yemen iyo kaalinta dhalinyarada Soomaalida ay ku leeyihiin dagaalada Sucuudigu wado ee ka socda Yaman.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM