Maydka Somalidii Sucuudigu ku xasuuqey badda cas ayaa la sheegay xilliga la aasayo halka dhinaca kale qoxooti Somali ah laga sii daayay jeel ay ku jireen magaalada Xudeyda ee dalkaasi Yaman.
Qunsulka Somaliya u fadhiya dalkaasi Yaman ayaa shaaciyay tirade laga sii daayay jeel ay ku jiraan. Dadkan la sii daayay ayaa isugu jira haween, caruur iyo dhalinyaro gaadheysa 86.
Dadka la sii daayay ayuu ku sheegay dadkii Somalida ahaa ee ka badbaaday xasuuqii uu Sucuudigu kula kacay.
Qunsulka ayaa sheegay in maydka oo gaaraya 31 qof la aasi doono maalinta khamiista ee usbuucan ee bishu tahay 27. Wuxuu si gaara u tilmaamay hay’ada bisha cas oo gargaar ka gaysatey arintan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS