X

Maydka wiil Somali Kiiniyaati ah oo si xun loo diley indhahana laga baxay oo la helay

Maydka wiil Somali Kiiniyaati ah oo si xun lo diley ayaa la helaya sida ciidamada booliiska Magaalada Nakuru ee dalka Kenya ay ku warameen iyagoo dul jooga, waxaana meydkan laga dhax helay Webi ku yaalla Degmadda Thika ee Dalka Kenya.

Shugri Maxamed oo 24-sano jir ahaa waxna ka baranayay Jaamacada Moi University , ayaa la waayay 6-dii bishii April, waxaana ugu dambeyn meydkiisa laga helay Wabi isaga oo si xun loo dilay garbaduubna u xirnaa, waxaana laga bixiyay labada Indhood iyadoo sidoo kale laga jaray carabka.

Ciidamada booliiska ayaa sheegay in meydka ardaygan Soomaali Kiiniyanka ah ka heleen Webiga Ol Dunyo Sabuk, walina lama oga cida ka dambeysay dilka loo geestay Wiilkan oo la filayay in bisha Agoosto ee sanadkan uu ka qalinjabiyo Jaamacada MOI .

Xaliimo Taajo , oo ah hooyada dhashay ardaygan sida xun loo dilay ayaa sheegtay in wiilkeeda aragiisa wayday 6-dii bishii April, waxa ayna tilmaantay in ay ka argagaxday markii ay maqashay in meydka wiilkeeda oo si xun loo dilay la helay.

Hooyadan oo baadi goob u gashay Wiilkeeda ayaa ku guul dareesatay in ay wax aqbaar ka ka hesho saaxiibadiisa iyo dad kalaba waxa ayna ugu dambeyn tagtay saldhiga booliiska ay ku wargalisay in wiilkeeda uu ka maqan yahay uuna dansan yahay telfoonkiisa.

Taliyaha Boliska Nakuru, Xuseen Baru, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan cida ka dambeesay dilka foosha xun ee loo geestay Shugri Maxamed oo Jaamacada MOI ka baranayay cilmiga Maareynta Ganacsiga.

Dalka Kiiniya waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geesto dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaa oo inta la afduubto kadibna la dilo, waxaana dilalka qaarkood lagu eedeeyaa on ay geestaan Ciidamada amaanka dalkaasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.