X

Maydka wiil yar oo la geeyay xarunta dambi baadhista ee magaalada Muqdisho

Maydka wiil yar ayaa la geeyay xarunta dambi baadhista ee magaalada Muqdisho. Xasan Duulane Xersi Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne ayaa sheegay wiilkaasi oo illaa hadda aanan la aqoonsan maydkiisa la geeyay xarunta.

Wiilkan ayay baddu soo tuftey wuxuuna ka mid yahay caruur aan la opgeyn oo mowjadu la tagey.



Taliyaha ayaa sheegay da’da wiilkaasi inay ku qiyaasayaan 10 sano jir, cidii uu ka maqan yahayna ay tagaan xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed, maadaama aanan la garaneyn magaca wiilkaasi iyo ehelkiisa intaba.



Maaha markii ugu horeysay ee baddu soo tufto dhalinyar magaalada Muqdisho ayadoo sababtu tahay in dhalintu soo dhuuntaan.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.