Wararka aan ka helayno deegaan lagu magacaabo Bohol oo ku yaal duleedka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la helay meydka gabadh yar oo 11 jira. Ciidamada xooga oo tagey deegaanka ayaa soo qaaday meydka gabadha yar kuna bilaabay baariaan.
Waxa ciidanku falkaas u soo qabteen hooyada dhashay iyo ninkeeda oo lagu tuhmayo. Waxa gabadha ka muuqdey jirdil xoogan oo la aaminsan yahay inuu sababtey dhimashadeeda. “Adeer garan meyno waxa dilkan foolxumadaha ah gaystey ayuu yidhi oday deegaanka ah.
Dadka deegaanka Bohol oo ka anfariirey dilkan foosha xun ayaa dalbadey inay si degdega u hesho cadaalad. “Adeer wax la aqbali karo diimiyan maaha in biri ma geydo sidaa loo jirdilo naftana looga qaado ee cadaalad ha hesho ayuu yidhi oday deegaanka ah.
Warkii u dambeeyay ee dhacdadan foosha xun ayaa sheegaya in masuuliyiintu xaqiijeen in dilka ay gacan Ku leeyihiin hooyada dhashay iyo nin qaba. Waxaan helnay raad tilmaamaya sida wax u dhaceen ayuu yiri afhayeen u hadlay Galmudug.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS