Magaalada Balcad ee gobolka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa kusoo dhacay meydka nin saarnaa diyaarad, waxaana goo’goay jirkiisa.
Gudoomiyaha degmadaas Maxamuud Maxamed Axmed{Saneey} ayaa sheegay in Meydkan laga soo helay deegaan Miyi ah, waxaana ninka uu ka soo dhacay Diyaarad usocotay dhanka Muqdisho.
“Ninkan waa nin oday ah jirkiisana waa googo’an yahay waxaana ku wareejinay Hay’addaha Ammaanka Soomaaliya”ayuu yiri gudoomiyaha.
Lama oga waxa ay tahay diyaarada uu kasoo dhacay meydkan Ninka Soomaaliga ah iyadoo arintan ay kusoo aadeyso xili Maanta Diyaarad ay leedahay Shirkadda Duulimaadka Daallo Airline uu dabqabsaday xilli ay ka duushay Garoonka Muqdisho kadibna iyada oo gubaneysa ay ku soo degetay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS