Ururka Midowga Afrika ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay howlgalka AMISOM ee lagula Dagaalamayo argagixisada Shabaab, kadib markii ay yeesheen kulankooda 595-aad.
Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Soomaaliya ka socon doona 30 Bisha May ee Sanadda 2017, waxaana ujeedka muddo kordhintaasi loo sameeyay lagu miarcneeyay wiiqida awooda argagixisada Shabaab.
Ururka Midowga Afrika ayaa dhinaca kale walaac ka muujiyay talaabadii dhawaan Ururka Midowga Yurub uu %20 dhaqaalaha uga jiray howlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Dowladdaha Uganda, Kiiniya iyo Ethiopia in ay ka dhabeeyaan balan qaadkii ahaa in Diyaarado Dagaal ay ku soo biiriyaan howlgalka AMISOM.
Sikastaba, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa u muuqda kuwa la wareegay Degaano iyo Degmooyin basle weli waxaa jira khatarta argagixisada Shabaab, iyadoona xusid mudan in ay sheegteeen Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS