X

Mooshinkii laga keenay maamulka Jubba oo lagu kala baxay iyo cod dheer oo xildhibaanadu ku hadleen

Muqdisho–Barlamaanka Somaliya ayaa kulan ka yeeashay mooshin laga keenay barlamaanka Jubba iyadoo mooshinku dhawr jeer baaqdey sabab kooram la’aan awgeed. Maanta oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 142 xildhibaan ayaa cod loogu qaaday ajendaha laga rabey ee barlamaanka Jubba.

Xildhibaano gaaraya 132 Xildhibaan ayaa waxa ay u codeeyeen in Baarlamaanka Maamulka Jubbaland dib loogu noqdo dhismihiisa, halka 4 ay ka aamuseen Mooshinkaasi 6-na ay diideen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo Habdhowraha Baarlamaanka ka tirsan ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in mooshinka codkiisa sidaasi uu ku soo dhamaaday.

Shirka oo weli socda ayaa waxaa shir Guddoominaayo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Lama oga waxa ay ka odhan doonaan Maamulka Jubba ee ku meelgaarka iyadoo hogaankiisu hore u sheegay in uu ka xunyahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.