X

Morgan iyo Faroole oo ugu cadcad aqalka sare ee Puntland iyo beelo xaqiran: SAWIRO

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta bilaabay inuu dhageysato khudbadaha musharixiinta Aqalka sare. Musharixiinta ugu cadcad ee soo xaadiray Baarlamaanka Puntland waxaa ka mida madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo Jen. Maxamed Saciid Xersi (Morgan).

Labadan musharax ayaa lagu wadaa inay si fudud ku soo baxaan kuraasta ay ku loolamayaan, waxaa hore loo hubay inuu soo bixi doono C/raxmaan Faroole, laakiin Jen. Moorgan ayaa rajadiisa ay meel sare gaartay kadib markii laga reebay musharixii uu watay C/weli Gaas ee Mahad Cabdalla Cawad.

Khudbooyinka ayaa laga yaabaa inay socdaan laba maalmood haddii lagu soo gabagabeyn waayo maanta, taasoo doorashada Aqalka Sare ee Puntland ka dhigi doonta inay dhacdo Khamiista iyo Jimcaha.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.