X

Muhiim nooma aha in aan madaxweyne Assad xukunka ka tuurno: Maxaa is bedelay

Muhiim nooma aha in aan madaxweyne Assad xukunka ka tuurno. Waxa hadalkaas sheegtay wakiilka Qaramada Midoobey u fadhida Maraykanka, waxayse raacisay in uu jiro cadow ka xun oo ummadu ka qaylinayso.

Maraykanka ayaa siyaasadiisu Siiriya fashilantey markii Ruushku yimi. Maraykanka ayaa Sucuudiga ka iibiyay bilyano doolar oo huba oo la siiyo argagixisada la dagaalamaysay shacabka Siiriya iyo dawladooda.



Siiriya ayaa ku guulaystay argagixisada Turkiga isku caqiido yihiin ee akhwaan Muslimiin oo rabshado ka bilaabay gobolka Xooms ee bartamaha Siiriya iyo Deeraa waxase ku soo biiray argagixisada weyn ee Daacvish oo sugeysay fursada dawlad la’anta.



Maraykanka iyoi Yuhuuda ayaa bilaabay hubeynta argagixisada NUSRA una daaweyn jirey dhaawaca ilaa uu Ruushku ka soo gaaray kana badbaadiyay Siiriya in ay noqoto sida Somaliya laguna wiirsado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.