Mukhtaar Roobow iyo xubno la socda ayaa Baydhabo gaaray. Mukhtaar Roobow oo ahaan jirey xagjir ka tirsanaa argagixisada ayaa ka toobad keenay burburkii uu ku hayay ummada.
Waxa loo diidey in la hubeeyo ciidanka jufadiisa si uu ula dagaalamo argagixisadii uu ka tirsanaan jirey.
Intaasi kadib waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay isaga oo la kulmi doona Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.
Weli sidhab ah looma oga ujeedada uu halkaasi u tegay,waxaana dhowr mar uu ku lab laabtay Baydhabo tan iyo markii uu yimid muqdisho oo ay wada hadlayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS