X

Mukhtaar Roobow oo Baydhaba lagu soo dhaweeyay: SAWIRO

Mukhtaar Roobow ayaa Baydhaba lagu soo dhaweeyay. Hogaamiyihii hore ee argagixisada shabaab Roobow ayaa isku soo dhiibey dawlada markii Maraykanku ka qaaday madax furashada.

Xubnahan Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi, Maamulka Gobolka, kan degmada, Qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.



Ugu horeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed in Abuu Mansuur uu soo gaaro Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan Roobow.



Roobow ayaa u tafaxaytey inuu argagixisada kula dagaalamo Bay iyo Bakool kana sifeeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.