X

Muqdisho oo bilowdey in koobigareeyso wadooyinka aduunka: SAWIRO

Muqdisho oo burbur ka soo kabasnaysa inta badana wadooyin muhiima ay dhiseen Turkigu ayaa koobigareysay xariijimaha ay dadku ka talaabaan. Sawiro laga soo qaaday wadada ugu muhiimsan ayaa lagu xariiqey xariiqooyion dadku maraan oo la soo koobigareeyay.

Haddaba sawirkan ayaa idiin muujinaya qaabka looga gudbo Waddo ama jid laami ah oo magaalo maraya.

Meelaha isgoysyada ah ee uu ka shaqeeyo layrka haga baabuurta oo loo yaqaan Semaafaro ayaa waxaa Waddada la maariya Rinji cad cad, kaasi ayaa loogu talagalay inay maraan dadka marka uu semaafaruhu tilmaamo nalka cagaaran ee dadka ama ninka Booliska Waddooyinka ah uu sheego in dadku mari karaan Jidka.

Waxaa dadka looga digayaa inay maraan meeshaasi rinjigu marsan yahay oo uu ku badbaadayo, balse haddii uu maro meelaha kale ee jidka isaga ayaa gardaran oo khaladka leh haddii uu shil galo.

Magaalada Muqdisho waxaa beryahaanba ka socda Waddooyinka oo loo yeelo dhir beeris iyo Rinjiyayn ama calaamadayn Waddooyinka ah, waxaan isu taagay hirgalintooda dhallinyaro iskood isku xil-qaamay oo lagu magaacabo Ubaxa Caasimadda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.