X

Musharax caana oo khasaaray 30 kun oo doolar kana haray tartanka

Musharax caana ayaa goordhow ka tanaasuley musharaxnimada madaxweynaha Somaliya halkaana ku khasaaray 30 kun oo doolar kadib markii uu waayay taageero dhinaca xildhibaanada ah oo xilligan ad u adag.



Xildhibaanada ayaa jilbaha laabtey kana raba mushartax kasta faraqabsi aad u fiican maadaama intooda badan ku soo baxeen lacago farobadan iyo khiyaano.

Musharax C/raxmaan Faroole ayaa bustaha laabtey kadib markii uu arkey in anu haysan xitaa laba musharax oo taageera. Waxa la filayaa in musharixiin badan ay ka laablaabtan gogosha ama codkoda siiyaan kuwa ay is leeyihiin tyaageero kuraas ayay ku siinayaan.



Waxa uu sheegay in fursad uu siinaayo musharaxiinta kale ee doonaya inay dalka hogaamiyaan, isbedelna ay ku keenaan siyaasada Somaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.