X

Musharax Cabdiwelli Gaas oo Puntland ka mamnuucay shaqaalaha dawlada dhexe

Cabdiwelli Gaas ayaa Puntland ka mamnuucay shaqaalaha dawlada dhexe waxa uu ku sheegay inta doorashadu socoto. Doorashada maamulka ayaa la filayaa inay dhacdo 8 bisha soo socota, waxana ka muuqata warqada uu soo saaray wasiirkiisa gudaha in dad gaara loola jeedo.


Musharxiinta ayaa qaba inay qalad tahay in Cabdiwelli Gaas oo musharaxa uu soo saaro go’aano uu ka xigsanayo musharxiinta kale. Waa musharax waxa uu wadaana waa qalad ayay musharx tartamaya doorashada.

Go’aanada uu soo saaray musharax Cabdiwelli Gaas

1 – In cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto.


2 – Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha, Saraakiisha Ciidamada iyo howl-wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 – Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa


4 – In diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland.

5 – Si loo sugo amaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6 – Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7 – Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.