X

Musharax Maxamed Cali oo lagu taagay naanays iyo cida la tuhmayo

Siyaasadda Ayaa Waddata In La Isugu Yeedho Magac Ka Turjumaya Hadba Dhaqdhaqaaqaga Siyaasadeed,

Musharaxa M/Wayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani, Ayaa Waddani Dhex-Diisa Looga Bixiyay Naanays Ku Cusub Dr Maxamed Cali Taas Oo Ka Tarjumaysa Tafaraaruqa Iyo Wakhtiga Adag Ee Uu La Kulmay,

 

Waxaana Xisbiga Waddani Dhexdiis Marka La Soo Hadal Qaadayo La-Isugu Tilmaamaa Magacan (Maxamed Balaayo) Oo Looga Jeedo In Uu Mudadii Uu Ku Jiray Xisbiga Uu Talaabo Kasta Oo Uu Qaadaba Kala Kulmayay Dhib Iyo Ka Tag-Sanaan.

Halka Mararka Qaarna Ficiladdiisa Ay Ka Muuqanayeen Waxyaabo Aan Farxad Galinayn Bulshadda Taageerta.

Magacan Waddani U Bixiyay Dr Maxamed Cali Ayaa Dadka Dhaliila Siyaasadda Maxamed Balaayo Waxay Sheegayaan In Uu Yahay Mid Kitaabka Siyaasadda Looga Ibbo-Furray Dr.

Magacan Ayaa Noqonaya Mid Ku Cusub Saaxadda Siyaasadeed Ee Maxamed Cali,

Inkasta Oo Aan La Garanayn Shakhsiga Dhabta Ah Ee Magacan Bixiyay,  Haddana warar hoose ayaa sheegaya in C/rashiid Xasan Mataan uu ka Soo Fulay Lagana Dhex  Isticmaalo  Xarunta Xisbiga Waddani.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.