Waxaa shirkan ka qeyb galaya musharax Madaxweyne Xasan Sheekh, musharax Guddoomiye Jawaari, xildhibaan Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, xildhibaan Ra’iisul wasaare kuxigeenka, musharax Shariif Xasan, iyo Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federal Cumar Dhagey ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada, cabashooyin laga keenay meelaha qaar ee doorashada ka dhaceen iyo xaqiijinta qoondada
Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ku bogaadiyay Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, dhameystirka doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, isagoo maamulada kale ugu baaqay inay dhameystiraan.
Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa canaan u jeediyay Madaxda Madasha, sida ay ugu gaabiyeen Hirgelinta Hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016 oo aheyd in sanadkan gudaheed la qabto doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo saddex jeer dib u dhac ku yimid.
Gaba gabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana la ogeyn inta maalin uu soconayo shirkan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS