Musharixiin wajigooda qariyay oo la amrey in ay wajiga tusaan dadka haddii kale laga saari doono liiska musharixiinta ayaga iyo xisbigoodaba. Arintan cajiibka ayaa ka dhacday dal Caraba oo aan lagu aqoon waji qarsi.
Kadib dagaalkii u dhexeeyay dawlada Aljeeriya iyo jabhadii FIS ee xukunka ku guulaystey ayaa dalka Aljeeriya waxa ku soo fidey madaaahibka Sucuudiga sida dumarka oo loo geliyay dhar madow wajigana bilaabey in ay qariyaan.
Dagaalkii markii looga adkaadey jabhadii FIS ayaa welli waxa ka jirta dalkaas in dhaqamada Sucuudigu ku faafayo ayadoo Sucuudigu ku bixiyo malaayiin doolar.
Xisbi ka mida xisbiyada u tartamaya doorashada ayaa boodhadh xayaysiin musharixiintooda ku soo bandhigey waji haween oo loo geliyay masar ama madax qarsi, waxayna dadku is waydiinayaan muxuu yahay qofkan sharaxan lakiin wejiga qarsadey maadaama Aljeeriya weji qarsi dhaqan u ahayn sida Somalida.
Gudiga doorashooyinka ayaa amrey xisbigaasi in musharaxa la arko wejigiisas haddii kale xisbigaba laga madnuuci doono doorashada. Waa markii ugu horeysay oo Aljeeriya ay ka dhacdo arin sidana.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS