Gudoomiyaha gudiga anshaxa ee doorashada Prof Cabdi Ismaciil Samatar ayaa qaar ka mida musharixiinta eedo u soo jeediyeen kadiub waraysi uu bixiyay muddo kahor oo laga waraystey fikirkiisa ku aadan qaar ka mida musharixiinta.
Prof Cabdi Ismaciil Samatar ayaa suaal saaray aqoonta diineed ee qaar ka mida musharixiinta oo uu sheegay in ay ku fashilmeen axdiyada ay la galeen ummada.
Prof Cabdi Ismaciil Samatar oo akhlaaqdiisa iyo kartidiisa ku helay booskan ayaa ka tirsan urur diimeedka akhwaan Muslimiin waxayna xulufo yihiin musharaxa C/qaadir Cosoble oo akhwaanka u matalaya barlamaanka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS