Muwaadin ka kaalay arrinta kaanbaynka siyaasadeysan ee ku salaysan isku dir beeleed hurinta colaadaha sokeeye ee kooxda Kulmiye ku caano maashay tan ilaa qaaxo had iyo jeer siyaasada Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxay ku salaysan tahay kala qaybinta bulsahda walaalaha ah siiba beesha Garxejis oo ay colaad gaar ah u qabaan
Waana sababta ka danbaysa in dhawr nin oo olmaadeer ah la siiyo mulkiyada dhulka tiyaatarka si ay isku dilaan halkaana uu Kulmiye ka dhex kaluumaysto beelaha walaalaha ah isaga oo iska dhigaya mid nasteex u ah
Waana ta keentay inaanuu marnaba ka hadal Muuse Biixi afkana ka xidhay arrinta dulmiga lagu hayo ganacsade Cumar Caydiid halka uu booqasho ugu tagay jeelka isaga oo si fudud kala hadli lahaa saaxiibkii Siilaanyo
Balse horaa loo yidhi ilko abeenso hoostay iska xidhiidhiyaan waana arrin ay ka soo shaqeeyeen iyaga oo adeegsanaya labo suldaan ku sheeg oo ugu liita beelaha Garxejis aan lahayna wax taageero waa suldaan Habaar iyo suldaan Good oo dhulkii Oodweyne deeqi waayay oo hargeysa u soo dhul doontay
Arrintaasi se way ku qaraxday kooxda Kulmiye markay hadleen boqor balaayo madow oo dhabarka laga soo taabtay si uu colaad uga dhex huriyo beelaha walaalaha ah ee Burco wada dega oo haatan midaysan oo aan lagu beerlawaaxsan karin heshiis baynu kula jirnaa Muuse Biixi iyo suldaan Habaar oo intii yarayd ee lagu soo shubtay ku hadaaqay
Oo ummadii la wada yaabtay sababta uu Muuse Biixi uga xigsanayo Cirro iyada oo la wada ogyahay kaalinta mug leh ee ay beesha Cirro ka soo qaadatay halgankii SNM kana dhasheen halyay aan u dhigmin dagaal ooge Muuse Biixi oo aanuu isku dhererin karin sida Maxamed Cali iyo Lixle iyo Koodbuur
Halka uu wali noolyahay mujaahidkii weynaa ee jeelka u taxaabay Muuse Biixi ahaana abaanduulihi ay SNM ku caano maashay gacantana ku dhigay magaalada Burco halka aan weli la hayn goob uu Muuse Biixi si toos ah uga dagaalamay ama hawlgal uu hogaamiyay.
Waxaa iyana yaab ku noqotay ummadan haraadan ee abaaruhu saamaayeen aan haysana dowlad u gurmata wasiiradii qarankuna isu bedeleen kuwa ka shaqeeya ama ku kooban deegaanada ay ka soo jeedaan oo qudha sida wasiirada maaliyada oo taageeradii abaaraha ku koobtay dhulka ay degto beesheedu degentahay halka la sheegayo in dekad cusub ay dhisanayaan beesha madaxweyne xukunka haya.
Intaba waxaa ku fuuqsatay marwada uu dhalay madaxweyne ku xigeenka Siilaanyo iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Muuse Biixi ee Saylici oo inatiisi dalka keentay warshad samaysa dharka dumarka hadaba waxaa yaab noqotay madaxweyne ku xigeenka oo aan xilkan hortii maalqabayn ahaan jirin kuna shaqaysan jiray wastaad sida ay sheegayaan reer Boorame oo aqal kiro ku jiri jiray kacaanka Kulmiye ka hor ayaa haatan magaalada Hargeysa ka dhistay guri weyn oo dhawr dabaq ah halka ay inatiisuna warshad dalka keensatay bal adba muwaadin.
Abdi Mustafe