X

Musheekh Quraan saar ku jirey oo lagu xasuuqay Sh Dhexe

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa xasuuq naxdinleh oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo musheekh Quraan saar ku jira lagu diley. Tirada musheekhda la diley ayaa 5 labana waa dhaawac.


”Dadka deegaanka ayaa qaba in xasuuqan ay gaysteen dhiigmiiratada shabaab ayuu yiri Cali Calasow inkastoo ayna sheegan xasuuqyada iyagu u yaqaan mid yar sida qof dilka iyo shan dilka laakiin sheegtaan midka weyn ee boqol in ka badan ay u dileen.

Tuulasda xasuuqan ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Burdheera ama Koogaar. Wararka qaar ayaa sheegaya in aano qabiil la xiriirto. Gudoomiyaha aagaas ayaan sheegin sababta xasuuqan foosha xun u dhacay.


Magacda musheekhdan sida foosha xun loo xasuuqay ayaa lagu magacaabaa

Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere2. Macalin Maxamuud Canbuure
Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi
Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.